Maareeye Platform

Privacy Policy / Siyaasadda Asturnaanta

Last updated / La cusboonaysiiyay: 3 September 2026

Siyaasaddan waxay khusaysaa Maareeye Platform iyo app-yada Shaakir Reseller, Maareeye PayAgent iyo Maareeye PayBridge. Waxay sharxaysaa xogta aan farsamayno, sababta aan u isticmaalno iyo doorashooyinka aad leedahay.

1. Xogta aan ururinno / Information we collect

Waxaan ururin karnaa magaca, email-ka, lambarka telefoonka, magaca ganacsiga iyo xogta aad bixiso markaad koonto samaysato ama taageero codsato.

Shaakir Reseller, PayAgent iyo PayBridge waxay farsamayn karaan xogta dalabka iyo lacag-bixinta, lambarrada diraha iyo qaataha, adeegga la dalbaday, jawaabaha shirkadda isgaarsiinta, aqoonsiga qalabka, SIM-ka la doortay, xaaladda isku-xirka iyo diiwaannada farsamada.

We may collect account, business, contact, order, payment, device, SIM, connectivity and diagnostic information needed to provide and secure the service.

2. Ogolaanshaha qalabka / Device permissions

PayAgent wuxuu isticmaali karaa SMS, ogeysiisyada (notification access), adeegga background-ka iyo automation/accessibility marka milkiilaha qalabku si cad u oggolaado. PayBridge wuxuu isticmaali karaa SMS diris iyo helis si uu u xaqiijiyo lacag-bixinnada.

Ogolaanshahan waxaa keliya loo adeegsadaa fulinta dalabyada, akhrinta jawaabaha khuseeya macaamilka, xaqiijinta lacagta iyo ilaalinta xiriirka server-ka. Maareeye ma akhriyo ama ma dirto fariimo aan shaqada adeegga khusayn.

Permissions can be disabled from Android settings, although disabling required permissions may stop automated payment or delivery features.

3. Sida xogta loo isticmaalo / How we use information

Xogta waxaa loo isticmaalaa samaynta iyo ilaalinta koontada, qabashada lacag-bixinta, dirista xirmooyinka, ka hortagga dalab laba jeer baxa, taageerada macaamiisha, xallinta ciladaha, warbixinnada ganacsiga iyo waajibaadka sharciyeed.

We use information to operate, authenticate, secure, troubleshoot and improve Maareeye services and to provide transaction records to the relevant business.

4. Wadaagista xogta / Data sharing

Waxaan xogta lagama maarmaanka ah la wadaagi karnaa ganacsiga koontada leh, shirkadda isgaarsiinta ama payment provider-ka fulinaya macaamilka, adeeg-bixiyeyaasha hosting-ka iyo hay'adaha sharcigu nagu waajibiyo.

Maareeye ma iibiso xogta shakhsiga ah, mana wadaagto xogta ujeeddo xayaysiis oo ka baxsan adeegga.

5. Kaydinta iyo amniga / Retention and security

Waxaan xogta haynaa inta ay koontadu shaqaynayso iyo muddada lagama maarmaanka u ah diiwaanka maaliyadeed, xalinta khilaafaadka, amniga iyo sharciga. Marka aan loo baahnayn, xogta waa la tirtiraa ama aqoonsigeeda waa laga saaraa.

Waxaan adeegsannaa HTTPS, xakamaynta gelitaanka, kala-soocidda ganacsiyada iyo kaydinta siraysan ee xogta xasaasiga ah. Si kastaba, hab internet ah boqolkiiba boqol ammaan looma dammaanad qaadi karo.

6. Xuquuqdaada / Your choices and rights

Waxaad codsan kartaa nuqul, saxid ama tirtirid xogtaada; waxaad sidoo kale ka noqon kartaa ogolaanshaha qalabka Android settings-ka. Codsiga tirtiridda koontada ama xogta ku dir info@maareeye.net.

Some transaction records may be retained where financial, fraud-prevention or legal obligations require it.

7. Carruurta / Children

Adeegyada lacag-bixinta iyo reseller-ka looguma talagelin carruur ka yar 13 sano. Si ula kac ah ugama ururinno xog shakhsiyadeed carruurtaas.

8. Isbeddel iyo xiriir / Changes and contact

Siyaasaddan waan cusboonaysiin karnaa marka adeegga ama sharcigu is beddelo. Taariikhda kore ayaa muujinaysa cusboonaysiintii ugu dambaysay.

Su'aalaha privacy-ga, cabashooyinka iyo codsiyada xogta: info@maareeye.net.